Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka ka socda Yasooman

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa war kooban ka soo saaray dagaalka culus ee weli ka socda degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

Af-hayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar oo si kooban uga hadlay dagaalkaas ayaa sheegay in Al-shabaabka soo weeraray Yasooman ay iska soo abaabuleeen tuulooyin hoosyimaada degmada Aadan Yabaale ee Gobolka Shabeelada dhexe.

Af-hayeenka ayaa sheegay in dagaalka jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab ee iska soo abaabulay Tuulooyinka Aadan-yabaal balse faahfaahin kale ma bixin.

“Argagixisada Al-shabaab ayaa Jab Xoogan lagu gaarsiiyey Deegaanka Yasooman Al-shabaab oo iska soo abaabulay Tuulooyinka Aadan-yabaal ayaa si Dhuumaaleeysi ah ku soo weerartay Deegaanka Yasooman oo hoostaga Degmadda buulo-burde Ee Gobalka Hiiraan ayaa la kulmay halaag xoogan” ayuu yiri Af-hayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale Al-shabaab waxay saaka sheegtay in ay la wareegtay degaanka Yasooman kadib markii ay weerar ku qaadday saldhiga ciidamada dowladda iyo kuwa macawisleey ku leeyihiin degaankaas.

PUNTLAND POST

The post Maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay dagaalka ka socda Yasooman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this