Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladd soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay dagaalka Yasooman

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay dagaalkii ka dhacay degaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 20 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab lagu dilay dagaalkaas.

Dowladda ayaa sheegtay in ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka ay fashiliyeen weerar uga yimid Al-shabaab.

Dowladda ayaa tilmaantay in dhankeeda saddex askari oo keliya ay uga dhinteen dagaalkaas.

FB_IMG_1665558859589.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowladd soomaaliya oo war rasmi ah ka soo saartay dagaalka Yasooman appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this