Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan iyo xubno kale oo la dilay (Faah-faahin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor leh ayaa laga helayaa khasaarihii kooxda Al-Shabaab loogu geystay deegaanka Jicibow ee gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaal culus uu ka dhacay laba maalin ka hor, balse weli ay ka socdaan howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa werisay geerida sarkaalkii hoggaaminayey ciidankii Shabaab-ka ee ka dagaalamay Jicibow, waxaana lala dilay labaatameeyo kale.

Ninkaas oo magaciisa lagu sheegay Rakhib Maxamed Xasan ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

“Hogaamiyihii kooxda Alshabaab ee gobolka Hiiraan Rakhib Maxamed Xasan iyo 20 kale oo dabley ah ayaa lagu dilay howlgal ciidamada xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaanka Jicibow. Ciidamada ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay howlgalo ka waday deegaankaasi,” ayaa lagu yiri warka dowladda.

Jab culus ayaa Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalkii Jicibow, deegaankaas ayaa 30 KM waqooyi ka xiga degmada Buuloburde, wuxuuna dhacaa inta u dhaxeysa Buuloburde iyo Bedelweyne, halkaas oo muhiim u ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ayaa Al-Shabaab ku weeraray Jicibow Axadii todobaadkaan, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus, kadib markii dhinac kasta laga maray Shabaab-ka ee la go’doomiyey.

Dagaalyahano wabiga dabaal uga gudbay ayaa la shegay in ciidanka ay ka badbaadeen maalinkii labaad ee dagaalka, haatan Jicibow waxaa maamusha dowladda.

The post Hoggaamiyihii Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan iyo xubno kale oo la dilay (Faah-faahin) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this