Sign in to follow this  
Emperor

Nur Ad still in Baidoa and denied to travel out - The city's strategic places secured

Recommended Posts

Emperor   

Duulimaadyada diyaaradaha magaalada Baydhaba oo la xayiray iyo ammaanka magaaladaasi oo aad loo adkeeyay

 

 

Mogadishu Tuesday, 16 December 2008 SMC

 

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba oo maalmahgan ay ka jirto xiisad siyaasadeed maalinba maalinka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa ayaa sheegaya in saakay hakad la geliyay duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tegi jireen magaaladaasi.

 

Tallaabadaasi lagu hor istaagay duulimaadyada diyaaradaha magaalada Baydhaba ka soo dega ayaa la sheegay inay iyagu sameeyeen ciidamada Dowladda federaalka KMG iyo kuwa Itoobiyaanka, waxayna warar lagu kalsoon yahay oo ka imaanaya magaalada Baydhaba ay sheegayaan in diyaarad halkaasi ka qaadi lahayd Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde amar lagu siiyay inay dib u laabato.

 

Socdaal Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku tegi lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa inuu hakad ku yimid, iyadoona la sheegay in dhaqdhaqaaqa magaalada uu noqday mid galay xaalad cusub oo aan hore loo arag nooceeda.

 

Dhinaca kale ilaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin Ra’iisal Wasaare Nuur cadde xayiraadda lagu sameeyay safarkiisa uu ku tegi lahaa magaalada Nairobi, iyadoona wararka ay sheegayaan in amarka lagu hakiyay duullimaadyada aanu keli ku ahayn Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

 

Lama oga xayiraadda dhinaca duulimaadyada magaalada Baydhaba ee madaxda sare ee Dowladda Federaalka KMG inay la xiriirto xiisadaha siyaasadeed ee maalmahan ka taagan gudaha magaalada Baydhaba, inkasta oo amarkaasi uu ka yimid ciidamada Itoobiya iyo taliska ciidamada nabad ilaalinta AMISOM oo iyagu haatan awooda dalka iyagu gacanta ku haya.

 

Somaliweyn Media Center “SMC”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Socdaal Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku tegi lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sheegayaa inuu hakad ku yimid, iyadoona la sheegay in dhaqdhaqaaqa magaalada uu noqday mid galay xaalad cusub oo aan hore loo arag nooceeda.

 

Dhinaca kale ilaa iyo hadda wax hadal ah kama soo bixin Ra’iisal Wasaare Nuur cadde xayiraadda lagu sameeyay safarkiisa uu ku tegi lahaa magaalada Nairobi, iyadoona wararka ay sheegayaan in amarka lagu hakiyay duullimaadyada aanu keli ku ahayn Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamada Dowlada Federaalka Somalia iyo kuwa Ethiopia oo saaka Nuur Cadde ka horistaagay inuu ka duulo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo.

Talaado 16. 12. 2008

 

Somalia - Wararka aanu kaheleeyno Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Bay oo maalmahan ay si ban ooga jirtay moowjado siyaasadeed oo maalinba maalinta kasii dambeysa ay cirka isku sii shareereyso ayaa sheegaya in xiligaan halkaasi lagusoo rogay hakad duulimaadyadii diyaaradaha ay ku tegi jireen magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

 

Waraku waxeey intaas ku darayaan in ay saaka joojiyeen Dhamaan wixii howlaha dulimaayada ahaa ee kasocday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo Ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa Ethiopia,ayadoo lasheegay in diyaarad halkaasi ka qaadi lahayd Nuur Cadde amar lagu siiyay inay dib u laabato, dhamaan waxaa si gabaabsi ah u socda howlaha ganacsiga ee Magaaladasi, waxaana guud ahaan la adkeeyaya aminga iyo dhaq dhaqaaqa Magaalada, ayadoo ay kajirto is dhex yaac iyo jahwareer farabadan.

 

Tallaabadani ishortaaga ah ee lagu sameeyay Nuur Cadde ayaan ilaa iyo hada cid ka hadashay aysan jirin, waxaase loo maleeynaya ineey kulug leedahay isqab qabsiga siyaasadeed ee kajira Magaalada Baydhabo.

 

Dhinac kale Dawlada Kenya ayaa xayiraad xagga socdaalka ah kusoo rogtay Madaxweynaha Somalia iyo Qoyskiisa siddaas waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Kenya.

 

Wixii war ah ee ka soo kordha kala soco Warbaahinta Allidamaale.com

 

 

 

Allidamaale.com Hassan Nuur

 

 

 

Allidamaale.com kalasoco warar xaqiiqada kusaleeysan

 

Allidamaale@hotmail.com

 

Xaafiiska Waraqabadka Allidamaale.com

 

Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

The dismissed PM was denied to get out of the country. Things are moving much faster than expected wallee....

 

Lets wait and see what the next hour may deliver

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Emperor:

The dismissed PM was denied to get out of the country. Things are moving much faster than expected wallee....

 

Lets wait and see what the next hour may deliver

War maad ka jogtiid.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Emperor, was it your or Duke (I can't tell who is who these days) who was insisting that Nur Cade was already out of the country yesterday? What gives? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NGONGE:

Emperor, was it your or Duke (I can't tell who is who these days) who was insisting that Nur Cade was already out of the country yesterday? What gives?
:D

They put him in where ever they want...dot worry they will soon wake up from their hallucination.. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this