Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo xirtay mid ka mid ah madaxda ururrada saxaafadda

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16655076878384228.jpg

Xoghayaha guud ee ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliya ee SJS Cabdalle Axmed Muumin ayaa maanta galinkii dambe lagu xiray magaalada Muqdisho.

Wariye Cabdalle Muumin ayaa la sheegay in ay xireen ciidamo ka tirsan Nabadsudiga iyo Sirdoonka Soomaliya ee NISA, xilli uu rabay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Dowladda ayaa weli hadlin xariga loo geystay xoghayaha SJS.

Inta aan la xirin ka hor Cabdalle Muumin ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in xalay xarunta SJS ee magaalada Muqdisho oo xiran ay yimaadeen askari ka tirsan NISA oo horkacayey Taliyaha NISA u qaabilsan degmada Hawl-Wadaag oo lagu magacaabo Shakiib.

Xariga wariye Cabdalle Muumin ayaa ku soo aadaya, iyadoo ururrada saxafiyiinta Soomaaliya shalay ka hor yimaadeen tilmaamo ay dowladda federaalku ku soo rogtay tabinta wararka ku saabsan ururka Al-shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa iyaduna shalay ugu baaqday dowladda federaalka iyo saxaafadda inay ka wada shaqeeyaan dhowrista xoriyadda saxaafadda iyo tebinta warar sugan.

“Xuquuq iyo waajibaad ayaa qeexa xoriyadda saxaafadda — xaqa lagu soo gudbiyo fikrado kala duwan iyo waajibka lagu soo tebiyo xog sugan” ayay safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ku qortay boggeeda Twitter.

PUNTLAND POST

The post NISA oo xirtay mid ka mid ah madaxda ururrada saxaafadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this