Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyihii degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221011_153051665.png

Gudoomiyihii degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada hoose, Sayid cali Ibraahim Maxamed ayaa ku geeriyooday Qarax ka dhacay gudaha degmadaas.

Sida wararku sheegayaan, Qaraxa lagu dilay guddoomiye Sayid Cali Ibraahim oo ahaa Miino nooca dhulka la galiyo ayaa ka dhacday goob uu gudoomiyaha ku sugnaa waxaana la geeriyooday mid kamid ah ilaaladiisa.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo xaqiijisay dilka gudoomiyihii Qoryooleey ayaa dhinaca kale tacsi u dirtay qoyska uu ka baxay marxuumka, iyagoo ku sifeeyay in uu ahaa shaqsi ay ka go’antahay in Shabaab dalka laga xoreeyo.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka gudoomiyihii Qoryooley, wuxuuna weerarkan ku soo beegmayaa bilo kaddib markii Al-shabaab ay qarax ku dileen gudoomihii degmada Marko Cabdulaahi Waafow.

PUNTLAND POST

The post Gudoomiyihii degmada Qoryooley oo qarax lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this