Sign in to follow this  
Xoogsade

Masjidka Sh.Cali Suufi ee M/Muqdisho oo mudo 3 bilood ka dib saaka dib loo furay.

Recommended Posts

Xoogsade   

Masjidka Sh.Cali Suufi ee M/Muqdisho oo mudo 3 bilood ka dib saaka dib loo furay.

 

Beerdhiga 30.01.2008 10:08

 

Mudo laga joogo 3 bilood ayaa maanta markii ugu horeysay uu dib u furmay Masjidka Sheekh Cali Suufi ee Degmada Hodan oo ay horey u xireen ciidamada DFKMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya.

 

Wariye ka tirsan shabakadda Beerdhiga oo xiligan masjidka ku sugan ayaa sheegay in dadweyne badan ay hadda dhaqitaan ku wadaan guud ahaan masjida gaar ahaan goobo ay ugu yimaadeen saxarooyin siiba barxada hore ee masjida ee xigta dhinac laamiga.

 

Masjidkan oo aan waligii ku xirmin dhamaan isbadaladii ka dhacay Soomaaliya ayaa tan iyo intii ay soo galeen ciidamada gumeysiga Itoobiya waxa ay uu ka mid noqday masaajida ku xirmay amarkooda sida uu noo sheegay mid ka mid ah howl-wadeenada masjidkaasi oo ka gaabsaday in la sheego magaciisa.

 

Wariyaheena ayaa intaa ku daray in goobaha ganacsiga ee aagaasi ku yaala ay yihiin kuwa wada bur bursan isla markaana ay hadda ku sugan yihiin dadweyne ka qeyb qaadanaya dib u hagaajinteeda.

 

Jidka wadna ee ka yimaada dhinaca KM4 ee taga dhinac siinaay ayaa isagu ah mid shaqeynaya isla markaana ay isticmaalayaan gaadiidka BL-ka iyo dad weyne raxan raxan u socda.

 

Masaajida iyo dhamaan goobaha u adeega Bulshada ayaa iyagu noqday laga soo bilaabo xiligii ay soo galeen ciidamada gumeysiga itoobiya kuwa aan shaqeyn ama ay yaraadeen howlshoodii.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Good news, SH. Cali Suufi is a Historic masjid. Too bad Hodan is not the Hodan I remmember. Any folks from casa balbalaare area?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this