Sign in to follow this  
Deeq A.

Halkuu Maraayo Kiiska 6 Haween Soomaaliya oo lagu qabtay lacag ka badan $850,000 oo dollar.

Recommended Posts

Deeq A.   
Waxaa weli dalka Kenya ka taagan kiiska lix dumar ah oo Soomaali ah oo dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Nairobi, ee Joma Kenyaatta, kuwaas oo watay lacag ka badan $850,000 oo dollar.
Saraakiisha waaxda canshuuraha ee garoonka ayaa sheeegay in lacagtaas lagu soo qariyay boorsooyin ay ku jireen dhar iyo kabo, si sharci darro ahna lagu soo geliyay Kenya, sida ay tebiyeen warbaahinta Kenya oo ay ka mid yihiin wargeysyada Daily Nation iyo The Standard.
Lacagtaan ayaa la qabtay kadib markii baadhitaanno lagu sameeyay boorsooyinkii ay wateen haweenkan oo la sheegay in ay kasoo degeen diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka timid waddanka Hindiya.
Bayaan ay soo saartay Waaxda Canshuuraha Kenya oo magaceeda loo soo gaabiyo “KRA” ayaa lagu sheegay in dumarkan loo gudbiyay booliska si ay ugu sameeyaan baartiaan dheeraad ah, kaas oo lagu ogaanayo Meesha ay ka keeneen lacagta iyo caddeymo kale oo ku gedaaman arrintooda.
May be an image of 2 people

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this