Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo la magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16654740854290432.jpg

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir iyo fadhiyada hoos yimaadda u magacaabay Col. Mahdi Cumar Muumin oo ku magac dheer Macallin Mahdi.

Col. Mahdi oo ah sarkaal dhalinyaro ah ayaa soo noqday taliyaha Nabad-sugida Galmudug, wuxuuna dhawaan ku dhawaacmay dagaal Al-shabaab lagula galay deegaanka Cada-kibir ee duleedka magaalada Cadaado.

Macallin Mahdi ayaa la hadal yahay in xilkan loo magacaabo tan iyo markii la dilay Taliyihii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir Gen. Farxaan Maxamuud Aaden (Farxaan Qaroole) oo ay isku deegaan ka soo jeedeen.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliska gobolka Banaadir oo la magacaabay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this