Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaalib Baaruud oo lagu wado in loo magacaabo wasiirka Warfaafinta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Baaruud.jpg

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa sida la xaqiijiyay lagu wadaa in uu xilka qaadis ku sameeyo wasiirka Warfaafinta Maxamud Caydiid Dirir.

Wararku waxay sheegayaan in madaxweyne Siciid Deni uu si weyn uga carooday hadal uu wasiirka Warfaafintu ka sheegay dood Jimcihii ka baxday BBC-da oo looga hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.

Dad lagu kalsoon yahay warkooda ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in wasiirka cusub ee Warfaafinta Puntland loo magacaabi doono nin la yiraahdo Qaalib Baaruud oo ka tirsanaan jiray BBC-da.

Qaalib Baaruud ayaa madaxweynaha Puntland kala shaqaynayay ololihiisi doorashada Villa Somalia ee uu ku guul-darraystay.

PUNTLAND POST

The post Qaalib Baaruud oo lagu wado in loo magacaabo wasiirka Warfaafinta Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this