Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo Soomaaliya Ugu Deeqday £50 Million, Si Wax Looga Qabto Abaaraha iyo Arrimo Kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal fogaan aragga Internet-ka la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK James Cleverly, iyagoo ka wadahadlay arrimo dhowr oo quseya dhinacyada.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda UK ayaa kadib kulanka qoraal kooban ku daabacay bartiisa Twitterka waxaa uu ku sheegay in  dawladdiisu ay sii wadayso taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhinacada amniga, dhaqaalaha iyo la dagaalanka Al-shabaab.

James Cleverly Xoghayaha arrimaha debedda ee Britian ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu Soomaaliya ugu deeqay sannadkan in ka badan £50 Million oo lacagta ingiriiska ah, taasoo ay si gaara loogu qorsheeyey shacabka Soomaaliyeed.

Deeqdaan lacageed ayaa waxaa si gaar ah loogu talo galay in wax loogu shacabka kuwooda dhibaataysan, gaar ahaan kuwa ay haysato cunto yaraanta, biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee dhinaca caafimaadka waxbarashada iyo arrimaha bulshada.

Soomaaliya  ayaa xilligaan waxaa ka jirta abaaro baahsan taas oo saamaysay dadka iyo duunyada, waxaana ay gaartay heer laga baqo macluul, meelaha waxaa ka jiro Colaado, kuwaas oo dadka kasoo hayaamay abaaraha ku qasbay in ay barakacaan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this