Sign in to follow this  
Deeq A.

Fannaan Caana oo shaaciyey in wasaaradda Warfaafinta S/land oo uu ka tirsanaa muddo dheer mushahar yar oo uu ka qaadan jiray ay qayb ahaan ka jartay markuu xanuunsaday

Recommended Posts

Deeq A.   
Fannaanka Cabdinaasir Macallin Caydiid, oo warraysi murugo ka muuqato siiyay Horyaal TV ayaa sheegay in ummaddiisu dayacday xilli uu u baahan yahay oo uu xanuun la ildaran yahay.
koore-1024x1024.jpg
Fannaanka ayaa sheegay in wasaaradda Warfaafinta oo uu ka tirsanaa muddo dheer mushahar yar oo uu ka qaadan jiray ay qayb ka jareen markii uu xanuunsaday waxa ay ugu daraan daayee.Sida uu sheegay waxaa lagu bedelay oo la siiyey lacagtiisiiĀ  ama mushaharkiisii qeyb ka mid ah qof kale
Cabdinaasir, waxa uu sheegay in kiradii guriga lagu leeyahay laba bilood, Carruurtiisana uu u werwerayo.
Xanuunka haya Cabdinaasir, ayaa dhakhaatiirtu sheegtay in aan dalka gudihiisa waxba laga qaban karin.
Soomaalida ayaa caan ku ah in qofku markuu dhinto ay Aas Qaran u sameeyaan oo taariikhdiisa ka sheekeen balse Fannaanku maanta ayuu gacan qabad u baahan yahay sida uu sheegay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this