Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo ka hadlay go’aankii dowladda ee baahinta wararka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay go’aankii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday in saxaafaddu madaxa bannaan baahiso wararka la xiriira Al-shabaab.

Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Soomaaliya ayaa ku baaqday dowladda federaalka iyo saxaafadda inay ka wada shaqeeyaan dhowrista xoriyadda saxaafadda iyo tebinta warar sugan.

“Xuquuq iyo waajibaad ayaa qeexa xoriyadda saxaafadda — xaqa lagu soo gudbiyo fikrado kala duwan iyo waajibka lagu soo tebiyo xog sugan” ayay safaaraddu ku soo qortay boggeeda Twitter.

Rights & responsibilities define a free press – a right to present diverse views & a responsibility to provide accurate information. We encourage the Gov’t of #Somalia & Somali media to work together to advance security, including safety for journalists & their freedom to report.

— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) October 10, 2022

Dhanka kale ururada saxaafadda Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas uu abuuray amni-darro iyo cabsi, kaddib markii Al-shabaabna dhankooda soo saareen hanjabaad ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay’adda warbaahinta ee u hoggaansama go’aanka dowladda.

“Waxaa noo muuqata in lagu dheeldheelayo amniga iyo badqabka suxufiyiinta Soomaaliyeed oo gawaarida xabadu karina ku jirin, ilaalana haysanin..” ayay yiraahdeen ururada saxaafadda.

Ma cadda in dowladda federaalku wax ka  beddeli doonto tilmaamaha muranka dhaliyay.

PUNTLAND POST

The post Mareykanka oo ka hadlay go’aankii dowladda ee baahinta wararka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this