Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid Ka Mid Ah Suuqyada Ugu Weyn Dalka Pakistan Oo Gubtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Dab xooggan ayaa ka kacay suuqa weyn oo ku yaalla badhtamaha caasimada Pakistan ee Islamabad.

Sawirro lagu soo bandhigay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo ka soo baxaya dhismaha, iyadoo muuqaallada qaar ay muujinayaan olol gudaha iyo dibadda dhismaha ah.

Waxay sidoo kale la arkayay dad isku dayaya inay ka baxaan dhismaha dabku ka kacay.

Booliiska ayaa sheegay in dhammaan dadkii ku sugnaa xarunta ganacsiga si nabad gelyo ah looga saaray halkaa. Waxaa socday dadaalo lagu daminayo dabka oo la sheegay in uu ku sii fiday dhismayaal kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this