Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Ugaanda Yoweri Museveni, Maxay Ka Wadahadleen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga gobolka iyo xidhiidhka labada dal.

Waxay sidoo kale wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qeybo kamid ah Soomaaliya, sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.

“Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni ayaa ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaadhay dagaalka ka dhanka argagixisada iyo deegaannada laga xoreeyey, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa oo door weyn ka qaatay nabad ilaalinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yidhi war saxaafeed kasoo baxay madaxtooyada.

Xasan Sheekh ayaa kamid ahaa madax dhowr ah oo Uganda kaga qeybgashay munaasabadda xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii dalkaas uu xoriyadda qaatay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this