Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhadda TPLF Oo Baaq U Dirtay Shacabka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Jabhadda Tigrey ee TPLF ayaa ugu baaqday qof kasta oo ka tirsan bulshada Tigre inay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea.

Bayaan laga akhriyay teleefishinka ay maamulaan jabhadda ayaa lagu sheegay in ciidammada Itoobiya iyo kuwa Eritrea ay afar jiho ka wadaan weerraro xooggan oo lagu xasuuqato shacabka Tigray.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in haatan 5.4 malyan oo qof oo ku nool Tigray ay u baahan yihiin cunto xilli dagaalka uu sababay inay hakad galaan adeegyadii aasaasiga ahaa.

Baaqan ay TPLF u dirtay shacabka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dagaal ka socdo deeganno dhowr ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this