Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaaday dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16654086067792029.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kampala ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay kala hadlay xasilloonida gobolka iyo xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay Madaxweyne Yoweri Museveni halganka lagu dagaalamayo Al-shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni uu ku bogaadiyey dowladda Soomaaliyeed guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka Al-shabaab iyo deegaannada laga wareegay, isagoo carrabka ku adkeeyey garab istaagga iyo taageerada dalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaaday dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this