Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo booqasho ku tegay xarunta gobolka Banaadir + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dowladda hoose ee Xamar, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey duqan Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyey xafiisyada xarunta gobolka Banaadir, si uu qiimeeyo xaaladda guud ee xarunta iyo shaqada ka socoto.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale, isaga oo kula dardaamay sii amba qaadida howlaha horyaallo.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee Muqdisho, gaar ahaan ammaanka iyo howlaha horumarinta caasimada, sida uu shaaciyey afhayeenka gobolka.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu ra’iisul wasaaraha ku tego xarunta gobolka Banaadir, tan markii la magacaabay guddoomiyey Yuusuf Madaale oo mar labaad qabtay xilkaasi.

Kormeerka Xamza ayaa sidoo kale ku soo aadayo, ayada oo aan weli isbedal lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenada gobolkam waxaana haatan jira dood ka taagan magacaabistooda, taas oo ku aadan sida loo wajahayo maamaada loolan loogu jiro

Muqdisho ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is biirsaday, sida ammaanka iyo arrimo bani’aadanimo, maadaama ay soo gaareen qoysas kasoo barakacay abaaraha ka jira dalka.

The post R/W Xamza oo booqasho ku tegay xarunta gobolka Banaadir + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this