Deeq A. Posted October 10, 2022 Goob-joogayaal ku sugan dalka Ukraine ayaa laga soo xigtay in qaraxyo dhowr ah laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Kyiv. Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ka dhacay Kyiv saaka, sida ay sheegtay waaxda gurmadka deg dega ah ee Ukraine. Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay qiiq cirka isku shareerayo oo kasoo baxyo dhismayaal ku yaalla Kyiv. Duqeymahan loo geystay Kyiv labo maalin uun kadib markii uu qarax burburiyay buundadii isku xireysay gobolka Crimea iyo dalka Ruushka. Shaley madaxweyne Vladimir Putin wuxuu ku eedeeyay in sirdoonka Ukraine inay sameeyeen waxa uu ku tilmaamay fal argagixiso. PUNTLAND POST The post Ruushka oo duqaymo ku garaacay caasimada dalka Ukraine appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites