Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Qurba-joogta u dirtay baaq la xiriira dagaalka lagu cirib-tirayo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1665384253938.jpg

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday Soomaalida Qurba-joogta ah in ay ku soo biiraan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-shabaab.

Wasiirka duulista Hawada dowladda Soomaaliya marwo Fardowso Cismaan Cigaal ayaa ku boorrisay Qurba-joogta Soomaaliyeed in ay dowladda ku gacan-siiyaan dagaalka ku jihaysan Al-shabaab.

“Waa inaad ka qayb qaadataan halganka degdega ah ee socda ee dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab” ayay tiri marwo Fardowsa Cismaan.

Wasiirka safar ku joogta waddana Canada ayaa hadalkan ka jeedisay kulan ay la qaadatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo Qurba-joogta u dirtay baaq la xiriira dagaalka lagu cirib-tirayo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this