Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan nabadaynta Colaadii Saax-maygaag oo maanta ka furmaya Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir lagu dhammaystirayo nabadaynta colaaddii ka dhacday Saax-maygaag iyo Senge-jebiye ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo caasimadda Garoowe.

Shirkan oo ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka Puntland ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno rasmi ah oo lagu dhammaystirayo nabadaynta labada dhinac.

Wararku waxay sheegayaan in dhinacyadii colaaddu dhexmartay looga yeeray min 21 xubnood oo ergo ah si ay goob-joog uga noqdaan go’aannada laga soo saarayo shirkan nabdaynta.

Shirkan ayaa daba socda shirar hore oo lagu dhex-dhexaadinayay dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag islamarkaana qaarkood laga soo saaray go’aanno nabadeed.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan nabadaynta Colaadii Saax-maygaag oo maanta ka furmaya Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this