Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray degmada Cadalle

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1665392672178.jpg

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo kooxaha Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Hirshabeelle oo maanta gaaray degmada Cadalle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this