Deeq A. Posted October 9, 2022 Madaxweyne Biixi iyo wasiir Kaahin ayaa lagu soo warramayaa in ay isku maandhaafeen isku shaandheynta la filayo in madaxweyne Biixi ku sameeyo Xukuumadiisa. Illo looga qaateen ah ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu u sheegay saaxiibkii Kaahin in uu 5 sanno kaddib xafiiska banneeyo oo kamid noqdo odayaasha Xisbiga Kulmiye si uu isna dhiig cusub ugu shubo xukuumadiisa. Biixi wuxu ku taliyey in Kaahin, Wasiir Saajin & Wasiir Abdullahi Abokor xilalka banneeyaan si ay unoqdaan odayaal xisbiga Kulmiye u fadhiya Togdheer, Saaxil & Awdal. Xogtu waxay tilmaamaysaa in Kaahin ka cadhooday soo jeedinta Biixi ee arrintaasi. Source Share this post Link to post Share on other sites