Sign in to follow this  
Liqaye

Marking judicial mistakes one botched ruling at a time

Recommended Posts

Liqaye   

Dhalinyaradii Lugta iyo Gacmaha laga jaray oo beeniyey sababihii xumnahooda loo dhaafsiiyey (Daawo Sawirada)

 

lug.jpg

 

Gacan_lug_gooyey_Alshabaab_3.jpg

 

Gacan_lug_gooyey_Alshabaab_2.jpglug1.jpg

 

lug5.jpg

 

Wasiiro ka tirsan dowlada Somalia ayaa maanta soo bandhigay wiilal ay lug iyo gacan is-dhaaf ah Muqdisho kaga jareen xarrakada Al-shabaab kadib markii lagu eedeeyay inay dad rayid ah u geysteen dhac.

 

Mid walba oo dhalinyarada ka mid ah wuxuu ka go'naa gacanta midig iyo lugta bixdix, waxayna sheegeen mar ay saxaafadu wax ka weydiisay ciqaabtoodan inaysan wax dambi ah gelin.

 

"Dhalinyaradan gacmaha iyo lugaha laga jaray waa lagu xadgubay, loomana ogolaan inay iska difaacaan eedaha, taasna waxay u muuqtaa in lagu xadgudbay dad aan dambi lahayn" ayuu yiri wasiirka cadaalada iyo garsoorka Somalia Sh. C/raxmaan Janaqow.

 

Wiilashan la naafeeyay oo lagu kala magacaabo Jaylaani Max'ed C/qaadir, Ismaacil Khaliif C/lle, Cali Max'ud Cali iyo C/qaadir Cabdi Duluxow ayaa wariyeyaasha shirka jaraa'id kasoo qaybgalay u sheegay inaysan jirin dambiyo ay galeen.

"Waxaan ahaa xoogasade ku shaqeysta farsamadiisa, waxaana loo cuskaday ciqaabteyda inaan ka shaqeeyo Hotel ay dagan yihiin xubno ka tirsan Dowlada Somalia" ayuu yiri Jaylaani Max'ed oo sheegay inuu yahay aabbe dhalay 6-caruur ah.

 

Ismaaciil Kahliif C/lle oo ahaa wiilka ugu dhalinta yar wiilashan ayaa sheegay inuu ahaa arday laguna eedeeyay inuu ka tirsan yahay ciidamada dowlada Somalia, sidaasna gacanta iyo lugta looga jaray.

 

"Markii xubnaheena muhiimka ah qaarkood nalaga jaray waxaa nala geeyay guri, inta badana ma helin xuquuqihii aasaasiga ah sida raashinka, mararka qaar waxaa dhacaysa in aan raashin nala siin, markaan dalbanana nala yiraahdo iska samra" ayuu yiri Ismaaciil

.Dhalinyaradan ayaa sheegay inuu lasoo goostay mid ka mid ah xoogaga Al-shabaab oo ilaalada ka hayay, ayna sidaas ku suurogashay inay u soo galaan dowladda, isagoo ka dalbaday Somalida inay caawiyaan.

 

Wasiirka bani'aadamnimada iyo dib u dajinta Max'ud Cabdi Garweyne oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dowladu ay damaanadqaadayso nolosha wiilashan, isagoo xusay in caalamka iyo Somalida ay uga baahan yihiin taageero.

Xarrakada Al-shabaab ayaa dhalinyaradan gacmaha iyo lugaha ka jartay kadib markii ay ku eedeeysay inay dhac ka geysteen xaafado ka tirsan degmada Huriwaa gaar ahaan Suuqa xoolaha.

 

Warkaan xaquudiisa wxaa iska leh Soomaaliweyn .com

 

dayniilecom@hotmail. com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this