Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed ” waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1665304884796.jpg

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa booqday degaanka Tulli Guuleed oo ah dhul Beereed laga beero Qamadiga.

DegaankaTulli Guuleed ayaa ka tirsan Gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashadan ayaa waxa Raii’sulwasaaraha ku weheliyay Madaxweynayaasha degaanada iyo xubnaha gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

” Waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia iyo dalalka kale ba” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa sheegay in sannadaha soo socda la sii kordhin doonaan beerista xaddiga Qamadiga dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Abiy Axmed ” waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this