Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socdo duleedka BUULOBURDE

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuloburte (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka Buuloburde ee gobolkaasi, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xoogaga Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Jiciboow oo dhinaca koonfur ka xigo magaalada Buuloburde, halkaasi oo lasoo warinaya inay ka socoto rasaas xooggan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada dowladda ay si deg-deg ah uga fal-celiyeen weerarka uga yimid Al-Shabaab waxaana xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, maadaama weli rasaasta laga maqlayo nawaaxiga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Ma jiro sidoo kale wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac, kaas oo ku aadan dagaalka maanta dib uga qarxay halkaasi.

Hiiraan oo uu ka socdo kacdoon shacab oo ka dhan ah ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo ciidamada huwanta iyo sidoo kale Al-Shabaab.

The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socdo duleedka BUULOBURDE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this