Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dagaal xooggan ayaa sida wararku sheegayaan hadda ka socda degaanka Jicibow oo ku dhow degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa sida la sheegay u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka ee loo yaqaan macawisleey.

Wararka ayaa tilmaamaya in dagaalkaas uu bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda iyo macawisley ku leeyihiin degaankaas.

Faahfaahin sugan weli lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka islamarkaana labada dhinac midna weli kama hadlin.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka socda duleedka degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this