Deeq A. Posted October 9, 2022 Ururka Al-shabaab ayaa si kulul uga hadalay amarkii shalay ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ee warbaahinta looga mamnuucay in ay baahiyaan wararka Al-shabaab. Al-shabaab ayaa uga digay warbaahinta in ay la saftaan dowladda federaalka, iyagoo dhanka kale ugu baaqday in ay shaqadooda u gutaan si dhexdhexaada. Bayaan ka soo baxay Al-shabaab ayaa lagu yiri “Warbaahin kasta oo si bareer ah ama si dadban ula safata dowladda federaalka waxaan u aqoonsaneynaa in ay qayb ka tahay duullaanka Al-shabaab”. “Waxaanna dhamaan saxafiyiinta ka hawlgala Soomaaliya ugu baaqeynaa in ay mihnadooda saxaafadeed u gutaan si hufan” ayaa la raaciyay bayaanka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo digniin u diray warbaahinta appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites