Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Saynab Xaabsey oo amar dul-dhigtay shacabka Warta Nabadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, Marwo Saynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) ayaa amar culus dul-dhigtay shacabka ku dhaqan xaafadaha degmadaasi, kaas oo la xiriita sugidda amniga.

Saynab Xaabsey ayaa sheegtay inay uga digeyso shacabka in ay guryahooda ka kireeyaan qof aanan soo marin hanaanka diiwan-gelinta ee hay’adaha amniga.

Guddoomiye Saynbay ayaa shaaca ka qaaday in gurigii la kireeyo iyada oo lasoo marin hanaanka saxda ah inay ka qaadi doonaan tallaano adag oo sharciga waafaqsan.

“In aan la deji Karin guri aan soo marin nidaamka saxda ah ee diiwaangelinta & Kireynta, Gurigii aan lasoo marsiin Hay’adaha amniga & Maamulka Degmada ee la kireeyo waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo sharci ah,” ayey tiri guddoomiye Seynab Xaabsey.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay inay jiraan dad loo xilsaaray arrintan, isla-markaana ay daba-gal  sameyn doonaan, si loo hubiyo dhaqan-galka go’aanka haatan soo baxay.

Dhinaca kale waxay farriin adag u dirtay dadka degan guryaha ee leerka ka dansan yahay, ayada oo sheegtay inay iyaguna tallaabo ka qaadi doonaan.

“Guryaha Leedhkoodu dansan yahay waxaa laga qaadi doonnaa tallaabo maadaama iftiinta uu qayb ka qaadanayo nabadgalyada, guud ahaan waxa aan rajeyneenaa in ay qaataan awaamiirteenna, Fadlan muwaadin hubi gurigaaga oo ka fiirso badqabkiisa si aan kaaga hubino qofka aad ka kireyneysid” ayey hadalkeeda sii raacisay.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadkii hore maamulka gobolka Banaadir uu la wareegay illaa 5 guri oo la sheegay inay u kireysnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

The post Daawo: Saynab Xaabsey oo amar dul-dhigtay shacabka Warta Nabadda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this