Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20221009_093537677.png

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelada iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allah u Naxriistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo ku geeriyooday dalka Hindiya.”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Marxuum Daahir Xasan Guutaale uu ahaa muwaadin xiliyo adag usoo shaqeeyay qaranka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryay in uu janadiisa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed inuu samir iyo iimaanna ka siiyo.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan hore Daahir Xasan Guutaale oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this