Deeq A. Posted October 9, 2022 Golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud ayaa doortay guddoomiyaha cusub ee degmada kadib doorasho ka dhacday xarunta degmada. Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Balanbale kadib doorasho ay qabteen golaha deegaanka, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Galmudug. Maamulka galmudug ayaa dhankiisa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee degmada Balanbale, ee gobalka Galgaduud. “Dowlada Galmudug waxay u Hambalyenaysaa Gudoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Deegaanka Degmada Balanbale Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) iyo xubnaha Golaha Deeganka Balanbale,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Galmudug. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites