Sign in to follow this  
Deeq A.

Degmada Balanbale oo loo doortay guddoomiye Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha deegaanka degmada Balanbale ee gobalka Galgaduud ayaa doortay guddoomiyaha cusub ee degmada kadib doorasho ka dhacday xarunta degmada.

Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha degmada Balanbale kadib doorasho ay qabteen golaha deegaanka, oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad gobaleedka Galmudug.

Maamulka galmudug ayaa dhankiisa hambalyo u diray guddoomiyaha cusub ee degmada Balanbale, ee gobalka Galgaduud.

“Dowlada Galmudug waxay u Hambalyenaysaa Gudoomiyaha cusub ee loo doortay Golaha Deegaanka Degmada Balanbale Cabdiazis Xaashi Cali ( Iraad) iyo xubnaha Golaha Deeganka Balanbale,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Galmudug.

310359574_1159441051646655_4417122225565 310386250_772892847113789_90569977779822

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this