Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadaha isgaarsiinta oo la faray in ay joojiyaan warbaahinta internet-ka ee Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fartay shirkadaha bixiyaha adeega internet-ka in ay joojiyaan dhammaan mareegaha Al-shabaab.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa warqad ay 6-dii bishan Oktoobar u dirtay shirkadaha bixiyaha adeega internet-ka ku fartay in ay amarkan ugu dambeyn ku fuliyaan 7-dii bishan (shalay).

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay ciddii fulin wayda amarkan in ay ka qaadayso tallaabo cad oo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale qoraal uu goordhaweyd soo saaray wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala, wuxuu ku sheegay in barihii ugu waaweynaa internet-ka ee Al-shabaab la xiray, inta hartayna la dhameystiri doono.

FB_IMG_16652575279435263.jpg FB_IMG_16652575588766389.jpg

PUNTLAND POST

The post Shirkadaha isgaarsiinta oo la faray in ay joojiyaan warbaahinta internet-ka ee Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this