Sign in to follow this  
Deeq A.

Tahriibayaal Lagu Gubey Xeebaha Dalka Liibiya Oo Meydkooda La Helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 15 qof ayaa meydkooda laga helay xeebaha dalka Liibiya meel ku dhow magaalada Sabratha ee waqooyi galbeed. Qaar ka mid ah meydadka waa la gubay, sida ay sheegtay Reuters.

Sida ay sheegayaan wararka, dhacdadan ayaa la xidhiidha khilaaf dhexmarey dadkan tahriibta u socdey iyo laba kooxood oo ka shaqeeya tahriibinta dadka, khilaafkaas oo sababey in ay dilaan dhammaan dadkii doonta raaci lahaa.

Shaqaalaha gurmadka ee Liibiya ayaa ka helay ugu yaraan 15 meyd ah xeebta meel u dhow magaalo xeebeedka Sabratha. Meydadka qaarkood waa la gubey waxa ay ku firidhsan yihiin xeebta.

Dhowr qof oo meyd ah ayaa sidoo kale la helay iyagoo ku dhex gubtay doon yar oo ah tii ay raaci lahaayeen, sida uu sheegay shaqaale ka tirsan hay’adda bisha cas, sidaas waxaa qortey wakaaladda reuters.

Sawirro ayaa lagu faafiyay baraha bulshada. Muuqaalo dhowr ah iyo muuqaal doon gubaneysa oo u muuqata inay la mid tahay tii meydadka laga helay ayaa ku wareegaya baraha bulshada.

Dhalinyro badan oo Soomaalida ayaa weli ku sugan dalka Libya halkaas oo ay sugayaan in ay ka tahriibaan, halka qaarkood ay ku go’doonsan yihiin, lama garan karo dalalka ay u dhasheen dadkan la gubey.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this