Sign in to follow this  
Deeq A.

Milxo: Wiilkii godku ku dumay oo maydkiisa la soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadka degaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa soo geba-gabeeyay hawlgal ay ku baadi-goobayeen wiil dhalinyaro ah oo uu ku dumay god dahabka laga qodo.

Wararku waxay sheegayaan in 30 saacadood kadib saaka godka laga soo saaray maydka wiilka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Siciid Cali.

Dadka degaanka oo adeegsanaya qalab kala duwan ayay saacado badan ku qaadatay qodida godkaas dumay waxaana la sheegay in aanay jirin cid maamul ah oo gacan u fidisay.

Degaanka Milxo oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaaag ayaa ah halka ugu weyn ee Gobolkaas laga qodo dahabka iyo noocyada kala duwan macdanta.

PUNTLAND POST

The post Milxo: Wiilkii godku ku dumay oo maydkiisa la soo saaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this