Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD – ICPAC

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpeg

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa magaalada Nairobi uga qayb-galey shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD-ICPAC.

Shirkaan ayaa looga hadlayey xasaradaha gobolka ka jira sida cunno yarida iyo abaaraha soo now-noqday, waxaana si gaar ah diiradda loogu saarey in si wadajir ah loo abaaro xasaradahaan iyadoo laga eegayo xiriirka u dhaxeeya gargaarka, horumarka iyo amniga (Humanitarian, Development and Peace nexus).

Wasiir Axmed Baashi oo madashaas khudbad ka jeediyay ayaa kasoo qeyb-galayaasha la wadaagay aragtida Soomaaliya ee ku aadan muhiimadda ay leedahay in jawaab mideysan laga bixiyo dhibaatooyinka abaaraha ee soo noq-noqday.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer wasiir ah oo ay soo qaban qaabisay IGAD – ICPAC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this