Sign in to follow this  
Deeq A.

Milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladiisi

Recommended Posts

Deeq A.   

Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen horjooge sare oo ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladiisi gaarka ahayd.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Milateriga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu dilay horjoore Maxamed Nuur Shire iyo 13 dagaallame oo ilaalo u ahayd.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in hawlgalkaas laga fuliyay degaanka Jannaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Dhinaca kale Al-shabaab weli kama hadlin warka ku saabsan in horgooge Maxamed Nuur Shire looga dilay degaanka Jannaale.

PUNTLAND POST

The post Milateriga Soomaaliya oo sheegay in ay dileen horjooge ka tirsan Al-shabaab iyo ilaaladiisi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this