Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoraa Max’ed Haaruun Biixi oo ka hadlay Dad ku xidhxidhan Baki,Gabiley & Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraa Max’ed Haaruun Biixi oo ka hadlay Dad ku xidhxidhan Baki,Gabiley & Hargeysa

haaruun-300x300.jpg
Habeenkan caawa ah, jeelal ku yaalla Baki, Gebiley, Hargeysa iyo Madheera, waxa ku xidhxidhan, oo xaqiiqo ah, dad badan oo dembigoodu yahay in aanu Muuse Biixi jeclaysan sida ay u fikirayaan, sida ay u hadlayaan amaba, cidda ay siyaasad ahaan taageersanyihiin. Dadkaas si aan waafaqsanayn wax sharci ah baa loo qabqabtay, ilaa imika na loo hayaa, wax maxkamad ah na la ma keenin, maxaa yeelay wax la gu eedeeyo oo maxkamadaha la ga sheego ayaan la haynin.
Geesta kale, 11 August, 2022, waxa magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo la gu laayay, ka dib na la gu xabaalay, dad si nabad ah fariin siyaasadeed u gudbinaayay, oo ku dhaqmaayay xuquuq la sheegay in distoorku damaanad qaaday, laakiin beenowday. Is la sababtaas darted, ku dhawaad 150 qof ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kuwo ka mid ahi na halis yihiin amaba naafoobeen.
Sidaas marka ay tahay, dad nidaamka noocaas u dhaqmaaya difaacaaya, oo ciddii ka hadasha na ku tidhaahda cuqdad baa ku haysa oo Muuse ayaad necebtahay, amaba reer baad necebtahay ayaa social media ha ka hadla. Geesta kale, waxa jira kuwo kale oo aan hadlin, laakiin foolxumadaas is ka caadi u arka. Sababtu waa iyaka oo dadka dhibtaas loo geystay, amaba loo geysanaayo ku eegaaya indho daciif ah oo muraayad qabiil xidhan. Kuwas hadii aad meel uun ku la kulantid, u sheeg in ay biddayaal bilaa micno ah yihiin, taariikhi na is qorayso. In aad feedhid na waa kuu banaan!

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this