Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Guudlaawe oo Dalbaday Gurmad Qaran, Kadib Qaraxyadii Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo kormeeray xarunta gobolka Hiiraan oo dhowaan ay ka dhaceen qaraxyo, kuwaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale ka dhashay burbur soo gaaray dhismayaal badan oo ku yaallay xarunta Lamagalaay, oo sedex qarax ay ku weerareen xoogaaga  Al-shbaab.

Cali Guudlaawe ayaa xusay in burbur baahsan uu soo gaaray xarunta maamulka qeybo badan oo kamid ah iyo xafiisyo lagu shaqeynayay, waxaana uu ku qaabay in gacan laga geysto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa, waxaana uu si gaar ah ugu baaqay dowladda federalka iyo bulshada reer Hiiraan in ay ka qeyb qaataan, kuwa jooga dalka iyo kuwa dibadda intaba.

“Runtii dhibaatada meesha ka dhacday, waxaan dhihi karnaa waa dhibaato qaran, waa dhib ka weyn heer state, waxaan dhihi karnaa dhibaatada meesha taallo waa in qaran ahaan loogu soo gurmado, cid kasta oo gacan ka geysan karto ay gacan ka geysto, waxaa baaba’ay guud ahaan adeeggii iyo goobihii loogu adeegayay umadda Hirshabeelle” ayuu yiri Guudlaawe.

” Al-shabaab waa ay jabeeb, nama niyad jabin doonaan, Insha Allah dalkana waa laga xoreynaayaa, Rafashadii u dambaysay ayey raftowhaayaan, ninamankaan waxaa ay joogaan rafashadii ugu dambaysay, looga hari maayo haddii rabbi raali ka noqdo, waxaan leeyahay waa ay jabeen waana la dhameystiraa, haddii Ilaahey raali ka noqdo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan sedex qarax oo ka dhacay magaalada Baladweyne ay sababaeen khasaare kale duwan oo mid nafeed iyo burbur xarumo dowladeed ah, waxaana uu ugu baaqay dhammaan bulshada reer Hiiraan iyo dowladda federalka in gurmad qaran loo soo fidiyo.

310154315_482250283946181_33241979461421
310726387_482249893946220_69443508386105
310920616_482249583946251_58979959750345
311330752_482249480612928_79114766665675
310795026_482250027279540_74366225654000
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this