Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Wasaarada Waddooyinka ee dalka ugu jidadka xun Bariga Afrika oo raalligelin bixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka Wasaarada Waddooyinka ee dalka ugu jidadka xun Bariga Afrika oo raalligelin bixiyay

Wasiirka waddooyinka ee Suudaanta Koonfureed ayaa dadweynaha ka raalligeliyay xaalad liidata ee waddooyinka dalkaas, iyadoo cilmi-baaris ay sheegtay inuu dalkaasi yahay kan ugu jidadka xun gobolka.

Xaaladda waddooyinka ayaa ka sii dartay markii dhowaan roobab xoog leh ay da’een, taas oo ka dhigtay kuwo aan lala mari karin dhiiqada iyo daadadka dartood.

In ka badan 1,500 oo gaadiid xamuul ah oo raashin waday ayaa toddobaadyo ku xannibnaa gobola Galbeedka Equatorial.

Wasiirka Waddooyinka, Simon Mijok Mijak ayaa sheegay in injineerrada ay ka shaqeynayaan waddooyinka, isla markaana ay gaadiidku isticmaali karaan maalmaha soo socda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this