Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey dagaal ku billowday qaraxyo oo ka socdo Basra

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta iyo illaa iyo hadda uu dagaal culus ka socdo, nta u dhexeyso deegaanka Basra iyo degmada Balcad ee gobolkaasi.

Dagaalka oo saacado socday ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku billowday qaraxyo ku soo qaadeen tuulada Muryaale oo hoostegta deegaanka Basra, waxaana kadib halkaasi ka dhacay dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in khasaare xoogan uu soo kala gaaray labada dhinac, waxaana mid kasta uu guullo ka sheegtay dagaalkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhaawacmeen dagaalkan, waxaana ka mid ah sarkaal ka tiraan hay’adda NISA oo lagu magacaabo Xasan Fanax, kaasoo haatan ku magacaaban taliyaha Nabad Sugida degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka ay ku dishay ugu yaraan illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya, balse ma shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray.

Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay duleedka Basra lagu dilay 19 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kalena uu weli howlgalku socdo.

Basra oo ah deegaan muhiim ah oo dhaca waddada isku xirto Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka socday howlgallo ay ka wadaan ciidamada Haramcad iyo kuwa Nabad Sugidda ee dowladda Soomaaliya.

Jimcihii hore ayey aheyd markii qarax miino oo ka dhacay deegaankaasi lagu dilay taliyihii qaybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole, kaas oo si weyn looga falceliyey geeridiisa.

The post Wararkii ugu dambeeyey dagaal ku billowday qaraxyo oo ka socdo Basra appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this