Deeq A. Posted October 6, 2022 Dowladda Morocco ayaa 10 liisan siisay beeraleyda si ay u beertaan xashiishada si markii ugu horreysay dalkaas looga dhoofiyo. Beeraleyda ku sugan gobollada al-Hoceima, Chefchaouen iyo Taounate ayaa loo ogolaaday inay beertaan xashiishada si loo xoojiyo wax soo saarka xashiishka loona iibiyo iyadoo loo isticmaalayo qaab dawo ah, waxaana laga iibin doonaa warshadaha iyo shirkadaha soo saara dawooyinka, sida ku xusan sharci ay anisiyeen baarlamaanka Morocco sannadkii lasoo dhaafay. Laanta dowladda u qaabilsan maamulka xashiishada oo beeraleyda fasaxa siisay ayaa sheegay in beeraleyda lagu dhiirigelinayo inay sare u qaadaan wax soo saarka Xashiishka si ay u dabboolaan baahida ka jirta suuqyada. Morocco waxay in muddo ah kamid aheyd dalalka soo saara xashiishada sharci darrada ka ah dunida. Waxaana xashiishada lagu beera dhulka buuraleyda ah ay ku nool yihiin dadka saboolka ah ee la marsiiyo dadka sida sharci darrada ah ugu gudbayo Yurub. Dowladda waxay tallaabadan uga golleedahay inay sare u qaado nolosha beeraleyda saboolka ah si ay dhaqaale uga helaan. Source Share this post Link to post Share on other sites