Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Taliyayaasha Booliska iyo NISA ee Beledweyne oo looga yeeray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si deg deg ah ugu yeertay inay Muqdisho soo gaaraan taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Nabad Sugidda ee u xilsaaran amniga Beledweyne, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Booliska Beledweyne Isaaq Cali Cabdulle iyo taliyaha NISA ee magaaladaasi Colaad Dalabeey lagu amray inay muddo kooban oo loo qabtay ay ku soo galaan Muqdisho kadib amaro kasoo kala baxay tasliyada guud ee Booliska & NISA.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada taliye ayaa wax laga weydiin doonaa eedeymaha culus oo uu u jeediyey guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, kadib qaraxyadii ismiidamainta ahaa ee Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay xerada Lamagalaay ee Beledweyn.

Jayte ayaa ku eedeeyey laamaha amniga, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda inay ka gaabiyeen mas’uuliyaddii ka saarneyd amniga, isla-markaana qaraxyada ay Al-Shabaab la beegsaday xarunta uu ku shaqeeyo ay ka soo gudbeen koontaroolada magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan taliyaha Booliska Beledweyne Isaaq Cali Cabdulle uu soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo ka jawaabaya amarka kasoo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayada oo haatan la sugayo taliyaha NISA.

Ma cadda tallaabada laga qaadi doono saraakiishaan oo haatan wajahaya eedeymo culus oo ay ugu horreyso inay dayaceen amniga shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Si kastaba, saddexdii qarax ee 3-dii bishan October ka dhacay Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen 58 kale, waxaana ku jira mas’uuliyiin sar sare.

The post Xog: Taliyayaasha Booliska iyo NISA ee Beledweyne oo looga yeeray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this