Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal Carbeed ‘oo isku dayaya inuu fashiliyo’ kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa sheegay in dalal shisheeye aysan rabin soo afjarida kooxda argagixisada ah.

Waxa uu si gaar ah u xusay in dal kamid ah dalalka carbeed ay kasoo horjeedaan kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay arrintaas u adeegsanayaan dad uu ku sheegay calooshood u shaqeystayaal ah.

“Dalkaan fara-gelin siyaasadeed oo fara badan ayaa ku jirta, dowladaha Carbeed dowlad kamid ah oo marka aad eegto aan ka badneyn beelaha Soomaaliyeed beel kamid ah waxay carqaladeyn ku hayaan dib u xoreynta deegaanada Soomaaliya. Waxay adeegsanayaan dad calooshood u shaqeystayaal ah oo aan dan ka laheyn dalka,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dalka uusan carabaabin uu rabo in wada-hadal jah-wareerin ah lala furo argagixisada, si uga yaraado culeyska ay wajahayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka gobolka Hiiraan waxa rabaa in aan u sheego dad badan ayaa idinku dhex jira oo aan dhihi karno hebel iyo hebel ka digtoonaada. Dowladaas waa cambaareynayna maadama arimihii Soomaaliya ay soo fara-geliyeen.”

Waxa uu intaas sii raaciyay “Waxay adeegsadanayaan dad calooshood u shaqeystayaal ah oo dhahaya Shabaab yaa lala dirin oo wada-hadal ha lala furo, haddii ayaga Shabaab dad wada hadashiin karaan oo Diinta saxda ah u sheegi karaan oo ay Nabad ka keeni karaan waa soo dhaweynaysa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed laakiinse waa dad argagixiso ah oo umadda Soomaaliyeed dhiigooda dhuuqaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in si dhab ah loogu wada istaago sidii dalkeena looga xoreyn lahaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay beelaha Soomaaliyeed oo dhan qoriga qaatan.

“Nin Odey ah maadama aan ahay waxaa si xogagaalnimo ah waxaa ogaaday in faragelinta meesha ka socoto oo aysan ogoleyn in Shabaab dalka laga xoreeyo, waxay runtii ka shaqeynayaan in sidii Afghanistan oo kale uu Shabaab la wareego dalka Soomaaliya, mana dhici doonto Ilaahay idinkiis.”

The post Dal Carbeed ‘oo isku dayaya inuu fashiliyo’ kacdoonka ka socda gobolka Hiiraan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this