Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: bombs set of in public area kills and wounds civilians

Recommended Posts

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababey oo ka dhacay degmada Yaaqshiid ee Magaalada Mudisho.

 

(Mogadishu, Axad, January ,11, 2009,(Hornafrik Media)

 

Hal qof ayaa ku dhintay 11 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii xalay Bam lagu weerarey goob maqaaxi ah oo kutaala deegaanla suuqbacaad ee degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

 

Qaraxan oo ahaa Bamgacmeed ayaan la ogayn ujeedada loogu weerarey dadka rayidka ah waxaana uu ka dhacay xalay fiidkii deegaanka suuq Bacaad halkaasoo dadku ay kala carareen markii uu qaraxu dhacay.

 

Inta la xaqiijiyay ku dhaawacmey qaraxaan 11 ruux oo qaar kood halis yihiin waxaana dhimashadu ilaa hada gaaraysa 1 ruux oo ka mid ahaa dadkii Maqaayada fadhiyay.

 

wararka ayaa sheegaya in maqaayada la weerarey lagu ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin qabaarka iyo turubka.

 

Weerarada nuucaan ah ayaa ku soo badanaya dalka soomaaliya gaar ahaan gobolada koofureed lamana yaqaano dadka falalkaan ka dambeeya iyo ujeedada ay ka leeyihiin bartilmaameedsiga dadka rayidka ahi.

 

wararkii Hore

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool...adduunyooy adduun tolow maxaa laga wadaa howshaan ayaantii Yey Joogey waxaa la soo qori jirey 21 madfac baa loo ridey...hees shiineys ah baa loo qaaday...hadda xaal ma wuxuu marayaa in la dhaho muqdisho mukulaal baa lagu diley...

 

Yey sidaas Soomaali ku jecleysiin meysaan s h artiisana Ilaah waa na dhaafiyey mana soo noqonayo Insha Allaah ama war xun soo qor amase war fiican soo qor.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this