Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xasan oo amaro dul dhigay golaha wasiirada kadib markii uu shir guddoomiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir-guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasillinta deegaannada laga xoreeyay argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa uu faray Golaha Wasiirada inay mudnaanta koowaad siiyaan la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay wasaaradaha oo dhan kaalin ku yeeshaan dagaalka Al-Shabaab iyo xoreynta deegaanada ay haystaan.

“Wasaaradaha xukuumadda oo dhan waa inay mas’uuliyad iska saaraan sidii deegaanada laga xoreeyaya argagixisada looga fulin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in xaalad adag ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisadu, iyadoo dowladdu ay gurmad deg-deg ah gaarsiisay muwaadiniinta ku dhibaataysnaa goobaha laga xoreeyey argagixisada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xoreynta deegaannada ay haystaan argagixisada iyo in dagaal joogto ah lagu qaado cadawgan duullaanka ku ah nabadda, dowladnimada iyo madax-bannaanida dalka.

Ugu dambeyntiina waxa uu bogaadiyey sida shacabka Soomaaliyeed ay u garab taagan yihiin halyeeyada Ciidamada Soomaaliyeed ee iyagu dagaalka adag kula jira argagixisada.

Golaha wasiirada ayaa todobaadyadii u dambeeyey kulamadooda diiradda ku saarayey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xili ay jiraan xaalad cakiran oo dhanka ammaanka ah, siiba dagaalka Shabaab iyo xaaladdo bani’aadanimo oo ka dhashay abaaraha ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.
Xasan-Sheekh-1.jpeg?resize=696%2C675&ssl Xasan-Sheekh-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl Xamza-2.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 310797186_488853483285796_70679235275572 Xasan-iyo-golaha-wasiirada.jpeg?resize=6 311146013_488854466619031_10913567883582 310854047_488855599952251_62567108210435 Fiqi-1.jpeg?resize=696%2C523&ssl=1 310984667_488855319952279_73803411586514 Abshir-Haruuse.jpeg?resize=696%2C464&ssl Khadiija.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Golaha-wasiirada-iyo-Xasan.jpeg?resize=6 311123517_488854356619042_59025850693783 310225975_488854423285702_19961294819525 Doodishe.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Xasan-iyo-Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ss 310339536_488855793285565_80881246161277 Xamza-Xamsa-iyo-Xasan-Sheekh.jpeg?resize Xasan-Sheekh-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl Xamza-Xamsa.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xasan oo amaro dul dhigay golaha wasiirada kadib markii uu shir guddoomiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this