Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado in uu shir guddoomiyo shirka golaha wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah uu shir guddoomiyo shirka golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka ah.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaraya arrimaha amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah ururka alshabaab ee ka socda gobalada dalka qaar kamid ah.

Kulanka ayaa la filaya in ay soo xaadiraan Ra’iisulwasaaraha dalka Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisulwasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jamac iyo xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa in uu khudbad ka jeeydiyo shirka golaha wasiirada, kaas oo uu kaga jadlayo xaaladda amni ee dalka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this