Sign in to follow this  
Deeq A.

TPLF oo aqbalay wada-hadallada Nabadda ee uu ku baaqay Midowga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda Xoreynta Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in madaxda Tirgay ay aqbaleen martiqaadka wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa sida ay qortay VOA Somali.

TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

Dowladda Itoobiya ayaa shalay dhinaceeda sheegtay inay si shuruud la’aan ah ku aqbashay dhex-dhexaadinta Midowga Afrika ee Itoobiya iyo TPLF, sida uu shaaciyay la-taliyaha Amniga Qaranka Redwan Hussein.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan.

PUNTLAND POST

The post TPLF oo aqbalay wada-hadallada Nabadda ee uu ku baaqay Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this