Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Dani oo La Kulmay Wafdi Ka Socday Hey’adaha Samafalka Dalka Kuwait

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Ururka Samafalka ee Liilaaf ee dalka Kuwait oo uu hoggaaminayo Maamulaha Ururka ayna weheliyaan xubno kale oo  Ururkaasi ka mid ah .
Kulanka oo ay Madaxweynaha ku weheliyeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Saraakiil Madaxtooyo, ayaa looga hadlay xaaladda Abaaraha ka jira Puntland iyo gurmadka loo fidinayo dadka Abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ku nool deegaannada maamulka.
Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntland ay ka jiraan abaaro baahsan, kuwaas oo saameeyay duunyo iyo dad intaba ee deegaannada Puntland, waxaana dhowaan qeybo kamid ah ka da’ayay roobka xilliga Deyrta, qeybo kamid ah gobollada Bari iyo Nugaa;.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this