Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1664971973604.jpg

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab, si looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Madaxweynaha Puntland oo dad kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa bogaadiyay beelaha Soomaaliyeed ee kacdoonka hubaysan kala horyimid Al-shabaab, si ay degaannadooda uga saaraan.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay beelaha halganka kula jira Al-shabaab in ay sii xoojiyaan, islamarkaana dhammaan la isu-gu tago oo loo midoobo kacdoonka hubaysan.

Sidoo kale, wuxuu ka tacsiyeeyay khasaarihii ka dhashay qaraxyadii u danbeeyay ee lagu weeraray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan oo dad badan dhimasho iyo dhaawacyo ka soo gaareen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this